Hotline +252 611 000434

Waxyaabaha kuu sahli kara inaad shaqo hesho

1

Waxaa laga yaabaa inaysan fududeyn inaad hesho shaqadii aad ku hanweyneyd, haddana waxaaba ka sii daran haddii aadan aqoon waxa ay badrooniyaashu doonayaan.

Qaabka shaqaaleysiinta ee dunida – ee shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba – waa ganacsi si dhaqso ah iisu beddelaya.

Balse waxaa jira hal shey oo aanan la yareysan karin: waa wareysiga fool-ka-foolka ah.

“Weli waa waxa ugu muhiimsan marka laga hadlayo hannaanka shaqaaleysiinta,” ayuu yiri Jen Tippin, oo ah khabiir dhanka shaqaaleysiinta ah oo ka tirsan Lloyds Banking Group.

Waxay aaminsan tahay in awoodda aad u leedahay inaan su`aalaha uga jawaabto qof amaba guddi hortiisa ay dhisi karto amaba ay burburin karto xirfaddaada.

Sidaas daraaddeed, waxaan halkan kuugu heynaa talooyin kaa caawinaya inaad meel iska saarto wareysigaas:

1. Samee baaritaan

2

Wax ka ogow cidda su`aalaha ku weydiin doonta waxna ka baro iyaga intaad awooddo.

Si qoto dheer u baar shirkadda: Maxay qabataa? Yaa ka mas`uul ah? waa kuwee shirkadaha ugu waaweyn ee ay tartanka kula jirto?

Meesha ugu habboon ee baaritaankaas laga bilaabana waa website-ka shirkadda.

Sii diyaarso qoraallo, baro magacyada iskuna diyaari marka uu wareysigu dhammaado inaad weydiiso su`aalo muujinaya baaxadda uu la’eg yahay baaritaanka aad sameysay.

Waa wax aad sameyn karto maalin kahor maalinta wareysiga si aad u diyaar garowdo una noqoto qof isku kalsoon.

2. Muraajaco samee

3
Qoraalka sawirka, Maxaadan saaxiibbadaa ula sameynin tijaabo wareysiga ku saabsan?

Diyaarso liis ay kuugu qoran yihiin su`aalaha macquulka ah ee lagu weydiin karo isla markaana isku day inaad jawaabahood sii muraajaceysato.

Haddii ay kugu adkaato waxaa jira meelo badan oo baraha bulshada ah oo aad ka heli karto qaar ka mid ah su`aalaha wareysiga la isku weydiin karo.

Markaad diyaarsaneyso jawaabahaaga, u feker sida inaad sheekeyneyso: diyaarso tusaalooyin habboon oo aad ku muujineyso halka, goorta, iyo qaabka aad uga soo bixi karto dhammaan xirfadaha laga doonayo qofka.

Tusaalooyinka la xiriira guulahaagii iyo khibradahaagii hore waa inay ka turjumaan waxa aad ku kordhisay meeshii hore ee aad ka shaqeyn jirtay iyo waxa aad ku soo biirin karto shirkadda aad shaqada ka dooneyso.

3. Ka feker dharka aad xiraneyso

4
Qoraalka sawirka, Haddii aad ka shakiso, xusuusnow waxba kaama dhibeyso inaad si qurux badan u lebisato

Aragtida ugu horreysa waa muhiim: qaar ka mid ah badrooniyaasha waxay go`aan gaaraan 30-ka ilbiriqsi ee ugu horreeya – waa laga yaabaa inaad si fiican uga jawaabto su`aalaha laakiin haddii uu dharkaaga niyad jebiyay markii horaba, waxaad qarka u saaran tahay inaad guul darreysato.

Virginia Eastman, oo ah khabiir hore oo dhanka shaqaaleysiinta ah, ayaa dib u milicsaneysa nin shirkad warbaahin shaqo ka soo codsaday: “Afkiisa oo urayay iyo nadaafad-darrada jirkiisa ayaa qolka qabsatay kahor inta uusan soo gelin.”

“Aad ayuu u lebis xumaa: sigsaantiisu way shiirayeen, timihiisuna si fiican uma shanleysneyn.”

Shaki kuma jiro, shaqadii ma uusan helin.

Inkastoo laga yaabo in shirkaddu ay leedahay siyaasad ah in dhar caadi ah la iska soo xirto, kaama rajeynayaan inaad soo xirato jeemis: khubarrada shaqaaleysiinta ayaa kugula talinaya inaad soo xirato dhar habboon sida suud.

Hubi in dharka aad wareysiga ku aadeyso aad diyaarsato oo aad sii feereysato habeen kahor, si aysan degdeg kuugu noqon, gaariga aad meesha ku tageysana haku dhex cunin cunto dharka kaaga halaabi karta.

4. Si fiican u gacan-qaad

5
Qoraalka sawirka, Gacan-qaadkaaga ayaa muhiim ah, iska sax kahor wareysiga

Waa wax aan aalaaba illowno, balse waxaa laga yaabaa in qof ka mid ah guddiga uu kugu xukmiyo gacan-qaadkaaga.

Waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee dhacaya marka aad qolka gasho.

Inaad qofka si fiican u gacan-qaaddo waxay muujineysaa inaad tahay qof isku kalsoon.

Haddii aad ka walwalsan tahay qaabka aad u sameyn doonto, ku sii barbaro saaxiibbadaa.

Maalinta wareysiga, hubi inaad xiriir indhaha ah la sameyso qof walba oo aad salaantay.

Mar walbana tiish hakuugu jiro jeebka – qofna ma doonayo inuu salaamo gacan dhidideysa!

5. Dhoolla-caddee!

6

Uma fududa sida afka looga dhaho marka uu wadnahaagu boodboodayo, calooshaaduna ay gariireyso oo aadna ka walwalsan tahay inaad illowdo magacaaga.

Balse dhoolla-caddeyntu waa luqad caalaami ah oo micnaheedu yahay “Waan ku faraxsanahay inaan halkan imaado, waxaana ahay qof fiican”.

Sidaas daraaddeed si fiican u dhoolla-caddee marka aad qolka gasho, iskuna day inaad dhoolla-caddeyso inta badan inta uu wareysigu socdo. Waa hab fudud oo lagu kasbado buundooyin!

Sidoo kale xusuusnow inaad si hagaagsan oo toosan u fadhiisato, marna hoos ha u fooraarsan.

6. Xakamee neerfahaaga

Si xooggan u neefso - maskax deggan waa saaxiibkaaga ugu wanaagsan
Qoraalka sawirka, Si xooggan u neefso – maskax deggan waa saaxiibkaaga ugu wanaagsan

Walwalka badan wuxuu sababaa in dhammaan baaritaanka aan soo sameynay iyo wixii aan soo xifdinnayba inaan illowno, ama waxay sababaan inaan gacmaha ka dhididno.

Haddii aad ogtahay in neerfahaaga ay yihiin cadowgaaga ugu weyn, usii diyaar garow: xoog u neefso adigoo sugaya in qolka lagaaga yeero.

khubarrada shaqaalaha waxay soo jeedinayaan inaad neerfahaas u adeegsato inaad diiradda ku saarto jawaabahaaga.

7. Noqo qof soo jiidasho leh

Shakhsiyaddaadu ha iftiinto
Qoraalka sawirka, Shakhsiyaddaadu ha iftiinto

“Wareysiyada fool-ka-foolka ah waxay fursad kuu siinayaan inaad qofka u muujiso waxaad tahay, waxa aad ka hesho,” sida uu sheegay Dermot Rooney, oo maamula shirkad dhismaha ka shaqeysa.

Sidaas daraaddeed, kahor inta aadan u fadhiisan wareysigaas, ka feker “Qofka aad tahay?”

U qaado fursad aad ku muujineyso qof ahaantaada, waxa aad uga duwan tahay dadka oo dhan.

Marka uu wareysigu dhammaado, u sheeg sida aad u jeceshaya shirkadda iyo sida aad ugu farxi lahayd haddii aad fursad u hesho inaad halkaas ka shaqeyso.

Waxaa laga yaabaa inaad taas kaga guuleysato qof kale.

8. Ha niyad jebin

Sii wad - inta karaankaaga ah ha niyad jebin bilowga ilaa dhammaadka
Qoraalka sawirka, Sii wad – inta karaankaaga ah ha niyad jebin bilowga ilaa dhammaadka

Haddii aad dareento inaad tareenka ka dhacday oo aadan shaqadaas heli doonin – ha moodin inay intaas ku ektahay.

Waxaa laga yaabaa inaad aaminto in guddigu uusan kugu qancin, balse waxaa laga yaabaa inaad qaldan tahay.

Jawaabta xigta ee aad bixiso ayaa laga yaabaa inay tahay tii ay sugayeen, marka ha niyad jebin.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net