Hotline +252 611 000434

Waraaqda Shaqo codsiga

Fursad aad guul ku gaarayso

Waraaqaha shaqo codsigu ma muhiim baa? Marar badan, haa. Sidoo kale waa meel aad ugu wanaagsan inaad kusoo koobto sababaha kaadhigaaya qofka ugu habboon shaqada, laakiin aan kuqornayn siifiigaaga. Dadka shaqada hadda bilaabaaya: Waraaqdaada codsiga shaqadu waa meesha aad kusheegayso diihaalkaaga ku aadan shaqada qofka aad doonayso inaad ushaqayso iyo sida aad ururka uga caawin karto samaynta shaqo tii hore kawacan. Waraaqaha codsiga shaqadu waxay kuusahlaysaan inaad faahfaahin kooban kabixiso shaqsiyaadka iyo inaad waxyar kaduwanaato codsiyada cadiga ah.

Halkaan waxaad kahelaysaa dhawr tilmaamood oo kaacaawinaaya in aaaad qorto waraaqda codsiga shaqada oo cajiib ah:

  1. Kuqor dusha sare e waraaqda magaca maareeyaha shaqaalaysiinta. Haddii aad taqaano maareeyaha shaqaalaysiinta, isticmaal Mr., Ms.iyo magaciisa ugu danbeeya. Haddii aadan aqoon cidda uu yahay maareeyaha shaqaalaysiintu, kala hadal madaxa waaxda fursad goob shaqo oo banaan. Haddii aysan taasi suuro galayn, waraaqda ciwaan uga dhig “Dear Hiring Manager (Maareeyaha Shaqaalaysiinta ee Qaaliga ahoow).”
     
  2. Farqada koobaad: faahfaahin kooban kabixi waxa aad kadanaynayso ururka si guud iyo shaqada aad codsanayso si gaar ah. Magac qor haday suurogal tahay. Haddii aad sheegi karto qof batroonigu yaqaano oo shaqada kuusoo jeediyay, sheeg qofkaas.
     
  3. Farqada labaad ee waraaq (iyo tan saddexaad, haddii loobaahdo): muuji xirfadaha iyo khibrada kaadhigaysa qof ugu habboon shaqada—xiisana uyeel adoo sheegaaya sheego nolosha kasoo martay oo dhab ah ama labo sheeko. Ama qor qayb kooban oo qodobaysan taasoo aad kutaxayso xirfadahaaga ku aadan shuruudaha ugu badan ee shaqada.
     
  4. Farqada ugu danbaysa: Sheeg inaad sugayso waraysiga si aad qaab faahfaahsan ugu sharaxdo xirfadahaaga. Sidoo kalana sheeg inaad taleefanka aad kala socon doonto muddo maalmod kooban ah.
     
  5. Adeegso erayga gunaanadka oo xirfadi kamuuqato, sida “Sincerely (Daacad kuu ah)” kuna qor dusha sare ee saxiixaaga iyo magacaaga qoran.
     
  6. Dulmar kusamee waraaqdaada. Kadibna kor u akhri uu kasoo qabo hayday kujiraan wax khaladaad ah. Kacodso saaxiibkaa inuu kuu akhriyo. Mari waraaqda hubinta hinkaada.
     
  7. Soo koob. Waraaqda codsiga shaqadu waa inaysan marna kabadan hal bog.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net