Hotline +252 611 000434

Sidee Shaqo loo Helaa Ama Loo Abuuraa?

shaqodoon

” Qofkasta oo dunida ku nooli wuxuu Jecel yahay innuu shaqo wanaagsan oo lacag badan helo se qofkasta oo dunida ku nooli ma laha aqoonta iyo xirfadda shaqo wanaagsan lagu helayo”

Maalmihii u dambeeyay waxa aynu ka hadlaynay qaabkee shaqo loo hellaa ama loo abuuraa, labadan qaab waa laba qaab ee dunidda ka jira marka laga hadlayo shaqo abuurka iyo shaqo helista.

Intaad nooshahay saddex midkood unbaad noqon shaqaale, loo shaqeeye iyo iska fadhiya aan shaqaysan, inta badan dadka iyo caalamkuba laba ka mida ayay ku mashquulsan yihiin innay noqdaan shaqaale iyo innay noqdaan loo shaqeeye.

Qofkasta oo dunida ku nooli waa shaqaale ama loo shaqeeye “Shaqo abuure” qofkasta oo doonnaya inuu noqdo shaqaale wuxuu raadiyaa sidii uu shaqo ku heli lahaa waxaannu maraa waddooyinkasta oo shaqo lagu heli karo hadday aqoon tahay, xirfad tahay ama waddo kale tahay ba, qofkasta oo loo shaqeeye ah ama shaqo abuure ahinna wuxuu raadiyaa fikir shaqo lagu abuuri karo, dhaqaale, goob iyo shaqaalihii ka shaqayn lahaa ka dibna waxa kulmaya oo is hellaya shaqodoonkii iyo loo shaqeeyihii oo baahi isku keentay, marka aynnu ka hadlayno shaqodoonka waxa markasta ku waajiba innuu haysto aqoon sidoo kalenna uu ogyahay baahida haysa qofka shaqo abuuraha ah.

Haddaba haddii aad tahay shaqodoon waxa kugu waajiba innaad markasta aqoontaadu tahay aqoonta loo baahan yahay ee aan dadku haysan, si aan shaqo u heshid baro aqoon kala duwan oo aad loogu baahan yahay sida xirfadaha gaagaaban ee markasta loo baahdo, haddaan tusaale ku siiyo Dalkeenna waxa ku dhexsocda in ka badan 90’000 kun oo gaadhi kuwaasoo qaarkood xumaadeen intooda badanina ay shaqaynayaan, jaanisyadda ilaa hadda bannaan waxa ka mida ma jiraan Arday jaamacadeed oo wali ku fikirtay innay geerash casri ah dalka ka sammaystaan kuwaasoo adeegsannaya aqoontoodo kala duwan, Haddii aad Hargeysa meelkasta martid ma Arkaysid nin jaamacad dhammeeyay oo aqoontaa shaqo ka raadiyay, maalinkasta gaadiid baa xumaadda, burbura, ama dhibaato kale ku dhacdaa, ilaa imikanna dalka kuma arkaysid Geerash casri ah oo sidaad jeceshay kuugu adeegaya dhammaan ragga makaaniyiinta ka shaqeeya baabuurta intooda badani waa Muqayliin ” Rag mirqaansan” iyagoo qaad iyo sigaar afka ku haya ayay kuu shaqaynnayaan xitaa qaarkood lama aamini karo marka la eego qaabkooda iyo wajigooda markaa waxaan uga socdaa Maxaa loo heli waayay boqolaal arday oo barannaya shaqada makaanikadda ah ka dibna si nadiifa dadka ugu adeegaya iyagoo geerash casri ah furanaya qalab casriyanna soo iibsannaya haddii aad jaaniskaa tijaabisaan waxaan hubaa innaad ka aflaxaysaan baahi badanna daboolaysaan walibana shaqaddaa waxa qaban kara inta Ingineerinka baratay, inta maamulka iyo xisaabaadka oo iskaashadda qaarkoodna waxa ay isu qaybinayaan innay ka shaqeeyaan mashiinka, buufinta, taayiradda, dabka, I.w.m.

Waxaan uga socdaa un ilaa aynu ka shaqayno shaqooyinka banaan ee inna horyaalla way adag tahay in qofkastaa shaqo hello haddii shaqooyinka bannaan aynu qabsan wayno waxaanna innoo qaban doonna ajaanib sida imikaba ay geerashyo innooga dhex furteen.

Si aad shaqo u heshaan shaqokasta qabta si aad u shaqaysataanna shaqadda bannaan ee diyaarka ah qabta.

Si aad shaqo u heshaan xirfaddo shaqo yeesha, si aad shaqo u heshaanna dabeecaddiina iyo dhaqankiina ka dhiga kuwa ugu wanaagsan.

Si aad shaqo u heshaan si mutadacnimo leh ugu adeega bulshaddiina ka dibna waad ka soo dhex bixi doontaan cidkastaanna way idin jeclaan doontaa.

Si aad shaqo u abuurtaan fikirka wanaagsan badiya oo waxa innaga dhimman raadiya wax cusub iyo shaqo cusubna ka fikira.

Shaqo waad helaysaa, waannad abuureysaa si aad shaqo u heshid ama u abuuratid markasta ka fikir xagga wanaagsan ee horumarka kuu ah, si aad shaqo u heshid hadafkaagu ha noqdo shaqo hel, si aad shaqo u aburrtidna hadafkaagu ha noqdo shaqo abuur markaad hadafka sammaysatid waxa lagaa rabbaa fulin iyo ku cel-celin joogtaa ilaa intaad ka gaadheysid hadadkaaga markaad gaadhidna Alle ugu mahadnaq.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net