Hotline +252 611 000434

Sidee loo abuurtaa ganacsi ama loo helaa shaqo wanaagsan?

shaqodoon.net waa meesha Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa dhalinyarada aan awoodin inay helaan shaqo siiye iyo daryeelkii ay u baahnaayeen.

Shaqodoon.net wax ayaa sara u qaadeysaa xuquuqda dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda.

sidoo kale waxa ay magaalada Muqdisho ka fulinaysaa barnaamijka loogu magic daray “Better Career – Better Life” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqoraadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin misna dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi dhexe/sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacad.

Shaqodoon.net waxa ay si joogtaa u fulinayaan mashruuca Better Career – Better Life iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xirmaan suuqyada shaqada ama u baaha in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka.

sidoo kale waxa ay ku wargelinayaan dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarta ku nool Magaalada Muqdisho in uu billaabanaya  mashruuca Better Career – Better Life oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka  iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo sedax biilood ah oo  ku saabsan,

  1. Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi
  2. Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyohayadahacaalamiga

Mashuurca “Better Career – Better Life” oo soo bilowday 2020kii  ilaa iyo Hada waxaa ka faa’idaystay  Dhalin yare isugu jira Hablo iyo Wiilal oo tiro ahaan gaaraya 40 oo Qof. Sannadka 2020 waxa bilaamayey wajigiisii labaad ee Better Career – Better Life oo socondoona ilaa 2025.

Sannadka 2021 waxaa la qaadanayaa dufcadii labaad oo tiro ahaan gaaraya 40( gabdho iyo Wiilal).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada

  1. Dada: 18 – 35 Sanno
  2. HeerkaWaxbarasho:
  1. Dugsi H/DH- dhamaystay
  2. Dugsi farsamada gacanta–Ku jira ama dhamaystay
  • Jaamacad – Ku jira ama dhamaystay
  1. Waa inu yahay qof u heelan inu shaqo helo ama uu abuurto isagu
  2. Waa inuu yahay qofka bad qaba noocyada kala duwan ee balwadaha

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net