Hotline +252 611 000434

Sidee Fursad Shaqo Loo Helaa?

Shaqo helidu waa jaran jaro u baahan in dulqaad lagu koro una baahan in la maro tallaabooyinka soo socda:

  1. Qurxi warqadda codsiga iyo Cv-ga: marka aad shaqo codsatid  waxa marka u horraysa la akhrinayaa waa warqadda codsiga  (Application letter)  haddii ay warqadaas cajabiso shaqo bixiyaha waxaa imanaysa in la akhriyo CV-gaaga balse haddii aysan cajabin warqadda codsigu waxay keenaysaa in CV-gaaga meel la iskadhigo, dad badan ayaa fududaysta warqadda codsiga laakiin muhiimad gaar ah bay leedahay ,maadaama xogtaada oo kooban ay kuqorantahay .
  2. Kor uqaad markasta aqoontaada iyo xirfadaada: Aqoontu waxay korisaa maskaxda qofka waxayna kor uqaadaa xirfadda uu qofku shaqo ku heli karo,si aad kor ugu qaadid aqoontaada iyo xirfadaada  xirfadda aad leedahay  waxaa adduunka kajira joornaalo caalami ah oo  bille ama saddex bilood ah,  kuwaas oo daabaca macluumaadka cusub oo kusoo siyaada xirfadaadda aad leedahay.
  3. U muuqo qofkii loo baahnaa: Cidda loo shaqaynayo waxaa haysata baahi ,marka aad shaqo doon tahay iska dhig qofkii ay iyagu u baahnaayeen ee lahaa xirfadda loo baahanyahay soona hormari dhinacaaga wanaagsan.
  4. Ballaari xiriirkaaga Dadka: Joogto uga ag dhawaw meelaha shaqada laguso xayeysiiyo sida mareegaha internetka  , Wargeysyada, xiriir joogtaana la yeelo dadka shaqeeya xogta shaqooyinkana kuusoo gudbinkara kaana caawinkara shaqo helida kuna dhiiri gelinkara.
  5. Kushaqee mutadawacnimo: Dad badan ayaa dhayal sada oo aan muhiimad weyn siin ku shaqaynta mutadawacnimada (volunteering),balse ogow waxa ugu muhiimsan ee la tixgeliyo waqti shaqaalaysiinta waa khibradda qofku leeyahay, si ay  san qofka waqti badan uga ga lumin khibrad kororsi waxbarashada kadib,waa inuu qofku markuu arday yahay oo waxbarashada wado ku dhinac wadaa shaqo mutadawacnimo si uu khibrad u helo ayna  mustaqbalka ugu fududaato inuu shaqo helo. Tusaale  haddaad cilmiga caafimaadka baranaysid  waa inaad waqtiga aad firaaqada leedahay aad ku shaqaysid si mutadawacnimaa goobaha caafimaadka saad khibrad shaqo  u heshid, waxaadna bannaanka u soosaaraysa awoodda kugu kaydsan.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net