Hotline +252 611 000434

Sidee ayaa shaqo lagu helaa

Shaqo waxaad ku heli kartaa in aa dadaasho walaal oo aadan quusanin . Shaqo raadintu waa shaqo oo kale waaa inaad u sameesataa qorshe taas oo kuu Sahli karto in aa hesho shaqada aad raadineeso.

Waxyaalo badan ayaa kaa saacidi karo in aa hesho shaqada aad dooneeso oo aad aqoonteeda ledahay Marka ugu horeeso Waa inaad  Cv-gaada iyo Cover letter-kaaga Sii diyaarsataa ,  Shaqo waliba Banan oo aad aqoonteda ledahay waa in aa apply gareesaa.

Cv-gaadu waa wax kuu Sahli karo in aad u soo baxdaa qeybta labaad ee shaqo raadinta taas oo ah in lagu wareesto, Marwaliba si Heersaro ah u sameeso cv gaada Isticmaal website-yada lagu sameeyo cv-yada. Link-gaan booqo si aad u kala doorato website-yada cv-yada laga samesto

Waxyaalaha kale shaqo helida ku sahli karo waxa ka mid ah in aa ledahay xirfad shaqo Tusaaale Hadii jaamacada ka so qalin jabisay Accounting iyo business administration waxyaalaha quseeyo waa inaad taqaan isticmaalka Computerka Siiba Application Xisaabaha lagu sameeyo Sida MS Excel Spreadsheet DacEasy Quick Book iyo Apps-ka la mid ka ah ee xisaabaha lagu xiro

Mar waliba shaqo waliba banaan aad isledahay aqoonteda ad ledahay hada aragto apply garee Hana quusan ilaa ka hesho shaqo Waxa kale muhiim ah mar waliba waa in aa aqriso sharuudaha shaqooyinka banan la soo xayeysinaa ku xeeran . wixi lagu wediyo iyo qaabka u soo dir lagu dhaha waa in aa martaa. Tusaale hadii lagu dhaho noo soo dir cv iyo Cover letter waa in aa u dirtaa cv iyo cover letter shaqada hadi email lagu diraa , Subject-ga email-ka wixi ku soo qor lagu dhahaa waa in aa ku qortaa.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net