Hotline +252 611 000434

Sida loo sameysto arjiga shaqada

1.Waa maxay arjiga shaqadu?

Arjiga shaqadu waa warqad ay ku qorantahay khibradahaaga shaqada. Waxaa aad ku qori kartaa shaqooyinka lacagta lagugu siiyo iyo kuwa kaleba.

Tusaale ahaan: Shaqooyinkaagii hore waxa laga yaabaa in ay ka mid ahayd in aad ka soo shaqaysay ganacsi iyadoo aad mushaar ku shaqeynaysay , Shaqooyinka aadan mushaar ka qaadan jirin waxaa ka mid noqon kara haddii aad beeraley ahayd ama shaqo aad u qabatay dukaanka qoyskaaga. Waxa laga yaabaa in aadan mushaar qaadan laakiin aad shaqeysay oo aad caawisay qoyskaaga. Waa muhiim in aad ka fakarto shaqooyinka khaaska ah ee aad soo qabatay. Ka fakar shaqada aad soo qabatay sida ay ahayd iyo in aad mushahar ku qaadanaysay iyo in kale.

7

2.Sababtee ayay ii caawinaysaa diyaarinta arjiga shaqada?

Shaqada waxaa lagaa rabaa in aad buuxiso arji codsi shaqo ah si loo ogaado in aad shaqada xiiseynayso. Haddii aad soo diyaarsato arjiga shaqada, waxaad haysataa warbixintii lagaaga baahnaa in aad arjiga codsiga shaqada ku buuxiso. Waxaad wali u baahan tahay in aad arjigaas oo dhan buuxiso laakiin waxa laga yaabaa in arjiga shaqada ku lifaaqdo arjiga shaqo codsiga. Waxaa lagu waydiin doonaa in aad sixiixdo arjiga shaqo codsiga kaas oo cadaynaya in warbixinta aad ku buuxisay ay run tahay

3.Maxaa lagu daraa arjiga shaqada?

•Waxaad koobi ka samaysan kartaa arjiga shaqada ee la socda warbixintan si aad ugu tababarato.

•Hubso in aad ku qortay magacaaga oo sadexan, cinwaankaaga, iyo namber telefoon oo lagaala soo xiriiri karo.

•Ka sii fakar shaqooyinkii hore ee aad soo qabatay – mid aad mushahar ku qaadatay iyo midkaleba. Waxaa laga yaabaa in ay kuu sahlan tahay haddii aad la hadasho qofka Shaqa qoraha ah, qofka shaqo raadiyaha kuu ah ama qof aad asxaab tihiin si ay kaaga caawiyaan sidii aad u tixi lahayd shaqooyinka aad horey u soo qabatay.•

Haddii aad shaqo hore oo mushahar aad ku qaadan jirtay ka soo shaqeysay, soo tax shaqooyinkaas adigoo ka bilaabaya tan ugu dambeysay sidaana u sii wad. Qor wixii aad qaban jirtay iyo khibrada aad ka siyaadsatay shaqadaas. Kadib waxa aad qortaa khibradaha kale ee aad ka heshay shaqooyinka aad mushahar la’aanta u soo qabatay.

•Haddii khibradaada oo dhan aad ka heshay shaqo aan mushahar lahayn, qor khibradahaaga iyo wixii aad qaban jirtay. Taas waxa ay u muujinaysaa qofka shaqada ku siinaya fikrad ku saabsan shaqaalaha aad soo ahaan jirtay

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net