Hotline +252 611 000434

Qaabkee shaqo loo helaa?

Waa su’aal is waydiin leh.

Ma jeceshay inaad shaqo heshid?
Haddii aad jeceshay inaad shaqo heshid ama lagu dalacsiiyo akhri maqaalkan:-

Shaqo: waa qabashada iyo dhammeystirka shaqooyin kala duwan si loo gaadho hadaf la leeyahay.

Shaqo waa qabashada la qabtay shaqo si looga baxo baahi taagan ama taagnaan doonta.

Shaqadu: Waa ficilka lagu dhammeeyo hawlaha kala duwan si loo gaadho halka loo socdo.

Shaqadu waa qaabka loogu adeegayo cid u baahan shaqo si loogu dhammeystiro shaqo.

Sidee loo helaa shaqo?
In shaqo la helaa waa mid adag se in shaqo lagaa eryaa mid aad u fudud.
Sidaad shaqada u raadisid ayay ku xidhan tahay sida shaqo loo helo.

Shaqo waa la heli karaa se maxaa lagaaga baahan yahay si aad shaqo u heshid?

Si aad shaqo u heshid waxaa lagaaga baahan yahay qodobadan:-

Aqoon: inaad yeelatid aqoon kala duwan diini iyo maadi’iba.
In aad shaqo heshaa waxay ku xidhan tahay aqoonta aad haysataa ma tahay mid loo baahan yahay?
Aqoonta aad baratay ma tahay mid la jaanqaadeysa bii’ada iyo gobolka iyo dadka aad la nooshahay?
Aqoonta aad baratay ma tahay mid wax-tar iyo isbeddel ku samayn karta halka aad ku nooshahay.
Marka aad su’aalahaas is waydiiso ayaa muhiima inaad aqoonteeda u dhaqaaqdid.

Aqoonta shaqo ee loo baahan yahay waa noocee?
Aqoonta shaqo ee loo baahan yahay waxa kaw ka ah xirfadaha kala duwan ee looga baahan yahay goobta aad shaqada ka rabtid, si haddaba aad aad shaqo u heshid yeelo aqoon iyo xirfad kala duwan oo la jaanqaadeysa wakhtiga iyo isbeddelada casriga ah.

Shaqo la’aantu waxay gaadhsiisan tahay in ka badan 79% markaa xirfada shaqo-doonka ayaa ah mid la barto, baro oo yeelo xirfad shaqo-doon taasoo ku baraysa marka aad shaqo-doon tahay wixii lagaaga baahan yahay iyo waddooyinka loo maro shaqooyinka aad rabtid.

Shaqo marka aad heshid laba mid unbaad kala kulmaysaa:-
Dalacsiin Ama Eryid.
Maxaa lagugu dalacsiin karaa ama lagugu eryi karaa?

Qodobadan ayaa lagugu dalacsiin karaa:-

1. Aqoon
2. Shaqo-wanaag
3. Dhego nuglaan iyo maamul addeecid
4. Kartida
5. Dulqaadka iyo deganaanshaha
6. Dedaalka iyo kalsoonidda
7. Lexejeclada iyo daryeelka agabka shaqo
8. Horumarinta iyo nidaaminta
9. Warbixinta shaqada iyo ka warhaynteeda
10. Dhaqanka wanaagsan.
11. Dad la shaqaynta
12. Dabeecad wanaaga
13. Fikirka wanaagsan
14. Talo-soo jeedinta
15. Fahanka shaqada.
16. Kalsoonida
17. Go’aanka wanaagsan.
18. Cibaadada wanaagsan
19. Soo dhaweynta cidda loo shaqaynayo
20. Run sheega.

Maxaa lagugu eryi karaa?
Qodobadan ayaa lagugu eryi karaa!

1. Aqoon la’aanta
2. Shaqo- Xumadda
3. Khiyaamadda
4. Akhlaaq- Xumadda
5. Muranka, Qaylada iyo Qabyaalada
6. Deg-dega iyo samir la’aanta
7. Amardiidada Maamulka iyo shaqaalaha
8. Fahan la’aanta shaqada
9. Dabeecad xumada
10. Khasaare samayn, lexejeclo la’aanta
11. Dayaca agabka shaqada
12. Dhaqan xumada
13. Fikirka xun
14. Cibaado la,aanta
15. Balwadaha kala duwan.
16. Karti la’aanta
17. Dedaal yarida
18. Cayda cidda lo adeegayo
19. Beenta
20. Balan-darada.

Qaabka iyo sida aad ugu kala dhaqantid ayay ku xidhan tahay in lagu dalacsiiyo ama lagu eryo.
Shaqo inaad heshaa waxay ku xidhan tahay xiisaha iyo jaceylka aad u qabtid inaad shaqaysaa, waxaaney ku xidhan tahay sida aad u fahansan tahay shaqada iyo baahida taala dalkaaga, shaqo inaad qabataa waxay ku xidhan tahay kalsoonida shaqeed ee kugu jirta.
Waddanka shaqo la’aan kama jirtee shaqaysi la’aanbaa ka jirta.

Waxa buuxa shaqooyin badan oo aynu dhaqaale iyo magacba ku heli karno se u baahan kalsooni iyo ku dhaqaaqid.

Si aad u shaqo u heshid ka fikir shaqooyinka aad qaban kartid ama aad abbuuri kartidba ka dibna ku dhaqaaq oo samee.
Ficilada shaqo lagu heli karo haddii aad volunteer ama bilaasha ku shaqayn kartid ku shaqee si aad waayo-aragnimo balaadhan u heshid.
Haddii aad waayo-arag noqotid shaqo waad haysataa ama waad abbuuri kartaa.

Shaqo kasta oo aad qaban kartid qabo ha sugin xafiis iyo shaqo sarre ta hoose ayaa ta sarre lagu gaadhaa hoos ka ka bilaw korna gaadh.

Imika bilaw shaqo-kasta oo aad qabankartid.
Baahida ku haysaa ha kugu kalifto inaad shaqokasta oo xalaala aad qabatid.
Baahida ku haysaa ha kugu kalifto inaad xirfad shaqo yeelatid.
Baahida ku haysaa yaaney kugu kalifin shaxaad iyo shaqo diid ee ha kugu kalifto inaad waxbaratid ka dibna aad shaqaysato oo aad wax-soosaar yeelatid.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net