Hotline +252 611 000434

Qaabkee Shaqadaada loo Hantaa?

  1. Ismuuji waqtiga tijaabada: Badanaa shaqooyinka shirkaddaha iyo ha’ayadaha  waxaa jira waqti 2-3 bilood ah oo qofka marka la shaqaalaysiiyo la geliyo waqti tijaabo ah oo loo yaqaan  (Probation period) oo lagu ogaado hawlkarnimada iyo xirfadda qofka cusub, waqtigaas markuu dhamaysto qofka  waxaa la  qiimeeyaa waxqabadkiisii iyo inuu kasoo baxay wixii loo igmaday, hadduu shaqadiisii kasoo baxay waxay taasi saamaxdaa inuu shaqadiisa sii wato ,balse haddii la ogaado inuu yahay qof aan wax qaban Karin waxaa suurtagal ah in halkaas shaqadii  looga joojiyo.
  2. La imow hal-abuur: Qofka loo shaqaynayo marka uu arko inuu qofka shaqaalaha ah layimaado hal –abuur iyo xirfad dheeraad ah oo shaqada lagu hormarinayo taasi waxay kor uqaadaa sumcadda qofka shaqaalaha, waxaana suuragal ah in la dalacsiiyo ama abaal mariin la guddoonsiiyo si loo dhiiri geliyo.
  3. Shaqadaadu ha ku xiiso geliso: Dad badan ayey muhiimadda kowaad utahay lacagta ay mushaharka uqaataan laakiin shaqadu ma xiiso geliso ,balse waxaa muhiim in shaqada ruuxeedu ay noqoto  waxa ku xiiso gelinaya,waayo shaqada ayaa ah sallaanta kuu suurta gelinaysa inaad meel sare u sii gudubta, markaas lacagtu wey iska imaan.
  4. Shaqo maanta kusugaysa dib ha u dhigan berri: waxyaalaha hoos u dhiga hawlkarnimada qofka shaqaalaha waxaa kamid ah dib u dhigashada shaqo uu maanta qaban karo berri ,taas oo keenaysa qofku inuu caajiso oo dareemo culays xaga shaqadaa aakhirkiina uu shaqada naco ama uu gudanwaayo waajibaadkiisii .
  5. Qaddari madaxdaada: Xushmad u muuji adoo  aan  isu liidayn qofka madaxda kuu ah ,waayo waxkasta kala damayn bay ku socdaan ,ha u muuqan qof tartan kula jira cidda madaxda u ah ,ee muhiimadda sii saad shaqada ula fududayn la hayd khibradna uga siyaadsan lahayd qofka kaa sarreeya.
  6. Noqo dhexdhexaad: Goob kasta oo shaqo kasocoto waxaa jira kooxo is haya iskuna  kacsan, Qola kastana waxay doonaysaa inuu iyagu kusoo biiro qofka shaqaalahaa ee cusub iyagoo isaga kaa dhigaya inay yihiin dhinaca fiican ama dulman. Marna haka qayb gelin kooxahaas u muuqo qof dhexdhexaad ah oo shaqadiisa daacad u ah.
  7. Han sare yeelo: Haddii aad shaqada meel hoose ka bilowdo maaha inaad u qalanto meel hoose , geli niyadaada inaad kor u soconaysid oo maalin uun gaari doonto meesha aad hiigsanayso adoo Allaah talo saarsanaya ,firfircoonoi iyo hal-abuurna la imaanaya, ogowna  shaqadaa haysid  hadaad  saluugsan tahay oo dayacdid caqli gal maaha in mid ka sareysa lagugu aamini karo.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net