...
Hotline +252 611 000434

Marka Shaqada lagu wareysanayo

Isdiyaarintu waxa ay kugu caawinaysaa sidii aad diyaar ugu noqon lahayd waraysiga lagula yeelanayo.

Waxaa laga yaabaa in ay kuu fududaato haddii qof aad taqaano aad ku sii tababarato (qof aad asxaab tihiin,ama qof ehelkaada ka mida ah ). Taas waxa kale oo ay kuu sahlaysaa in aad isku kalsoonaato kuuna kordhiso fursadaada aad ku helayso shaqada.

Isku day in aad waqti hore timaado meesha lagugu waraysanayo. Laakiin isku day inaad15 daqiiqo kaliya aad soo hor marto hadii aan lagaa rabin in aad arji buuxiso. Haddii aad buuxinayso arji isku day in aad waqti fiican soo hor marto si aad uga gaarsiiso.Sii diyaarso warbixinada lagaaga baahnaan karo marka aad wareysiga marayso.

•Koobi badan ka soo sameyso arjigaaga shaqada

•Soo qaado cadayn (laysankaaga, ama warqada aqoonsi .)•Soo qaado liiskaaga tixraaca iyo wixii warqad amaan kaa bixinaya

•Haddii aad haysato koobiga shahaadooyinkaaga, laysanadaada, iyo ama waxkasta oo muhiim u noqon kara shaqadan aad rabto waxaa fiican in aad horey u soo qaadato

•Soo qaado qalin iyo warqad si aad wax ugu qorato, ama haddii lagu waydiiyo warbixino siyaado ah oo aadan markaa haynin laakiin aad usoo diri karto

Waqti fiican isa sii wareysiga kahor si aad uga sii fakarto khibrada aad u leedahay shaqada iyo dhiirigelinta in shaqada lagu siiyo. Guud ahaan, qofka ku waraysanayaa waxa uu ku waydiin doonaa su’aalo adiga kugu saabsan, khibradaada, aqoontaada, xirfadaada iyo dhiiri gelinsanaantaada iyo sababta aad u aaminsantahay in aad shaqada u qalanto.

Xusuusnow in waraysigu uu yahay fursad aad ku sheeganayso sababta aad u tahay qofka shaqadan loogu talo galay.

Waqtigaaga qaado si aad uga fakarto su’aal kasta oo lagu waydiiyo inta aadan ka jawaabin. Muuji waji furan oo tusaya in aad tahay qof shaqada ku haboon, waxbaranaya diyaarna ah. Haddii aadan hubin su’aasha lagu waydiiyay, ha ka cabsan in aad faahfaahin waydiiso si aad u fahanto.

qofka ku waraysanayaa waxa uu kaa filayaa in aad su’aalo waydiiso ku saabsan shaqada, taas oo cadaynaysa in aad xiiseynayso shaqada. Waxaa kale oo lagaa filayaa in aad u sheegto sababta aad ugu qalanto shaqada. Wadamada qaarkood waxaa loo qaataa in ay tahay xumaan laakiin wadankan waa wax loo baahan yahay.

SU’AALO LAGU WAYDIIN KARO MARKA LAGU WARAYSANAYO

•Shakhsiyadaada iiga waran.

•Maxaad ku fiican tahay maxaadse ku liidataa?

•Maxaad u rabtaa shaqadan?

•Maxaa ku dhiiri geliya?

•Qaybtee aad uga xiisaynay-saa shaqadan?

•Qaybtee ayaanad xiisay-naynin shaqadan?

•Wax su’aal ah ma qabtaa? (Su’aal aad waydiinayso marka qofka ku waray-sanaya.)

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net

Seraphinite AcceleratorOptimized by Seraphinite Accelerator
Turns on site high speed to be attractive for people and search engines.