Hotline +252 611 000434

Arjiga shaqada iyo waxbarashada iyo waayo aragnimada shaqada (CV)

Inta badan marka aad codsaneyso boos shaqo waxaad shaqo-bixiyaha u direysaa codsi shaqo iyo CV, ( qoraalka qof ka warranka. Ku qor codsiga iyo CV’ga isla luqadda uu ogeysiiska booska shaqadu ku qoran yahay.) Ujeeddada codsiga shaqadu waa kicinta xiisaha shaqo-bixiyaha si aad ugu gudubto wareysiga shaqada.

Si taxaddir leh u aqri ogeysiiska booska shaqada

Ka hor inta aadan qorin codsiga shaqada, si taxaddar leh u aqri ogeysiiska booska shaqada kana fikir nooca aqoon iyo xirfadeed uu shaqo-bixiyuhu raadinayo. Ka fikir sida ay aqoontaadu ugu habboon tahay filashooyinka iyo shuruudaha shaqo-bixiyaha.

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaaa shaqo-bixiyaha islamarkaasna weydiin kartaa macluumaad dheeraad ah, haddii aad qabto su’aal uusan ogeysiisku ka jawaabin. Wac shaqo-bixiyaha haddii aad dooneyso in aad booska shaqada ka weydiiso wax la taaban karo.

Arjiga shaqada

Mar kasta oo aad shaqo cusub codsaneyso qor codsi cusub CV’gaadana waqtiga la jimee. Toos ayaad codsiga ugu qori kartaa Halkan ama waxaad qoraalka qof ka warranka lifaaq ahaan kula diri kartaa Email ahaan. Mar kasta ka dhig lifaaqyada aad ku direyso PDF. Waxaad inta badan codsiga iyo CV’ga ka dhex-diri kartaa bogagga shabakadda shaqodoon.net Codsiga shaqadu wuxuu mararka qaar noqon karaa fiidiyow, boortofooliyo ama tusaale ahaan bog-shabakadeed.

Ujeeddada codsiga shaqadu waa kicinta xiisaha shaqo-bixiyaha si aad ugu gudubto wareysiga shaqada. Codsigu waa jawaabta ogeysiiska booska shaqada. Ka jawaab filashooyinka iyo shuruudaha lagu xusay ama sheegay ogeysiiska booska shaqada. Carabka ku adkee arrimaha muhiimka u ah shaqada. Sheeg tusaalooyin la taaban karo oo aqoontaada ku saabsan. Ku qanci ama ka dhaadhici shaqo-bixiyaha sida aad ugu habboon tahay shaqadan.

Codsiga shaqadu waa mid inta badan wax yar ka yar hal bog. Codso in codsigaada uu qof kaa aqriyo kaana hubiyo.

Mushaarka aad rajeynayso

Codsiga waa in inta badan lagu daro mushaarka la rajeynayo. Waa adag tahay in inta badan la qiimeeyo, cadadka lacageed ee ku haboon. Mushaarka la rajeynayo ma ahan in uu ahaado mid aad u sareeya ama dhinaca kale aad u hooseeya. Ururada xirfadlayaasha ayaa waxaa laga heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan heerarka mushaar ee noocyada shaqooyin kala duduwan.

Aqoonsashada awood-xirfadeedkaada

Aqoonsashada awood-xirfadeedkaaga waxey faa’iido leedahay marka shaqo la raadsanayo. Wada eeg waxbarashadaada iyo waayo-aragnimadaada shaqo, kana fikir xirfadaha aad kuwaas ka baratay. Aqoon xirfadeed noocee ah ayaad leedahay? Maxaad ku wanaagsan tahay? Ka fikir sidoo kale xirfadaha aad ka heshay hiwaayadaha iyo waayo-aragnimooyinka kale.

Shahaadooyinka oo waqtiga la socda

Keydso shahaadooyinka aad ka heshay meelihi hore ee aad ka soo shaqeysay iyo waxbarashooyinkaadiba. Xusuusnow in aad mar kasta codsato in shahaado lagaa siiyo marka aad meel shaqo u joogtay, tababar u joogtay ama aad wax ka baratay. Shaqo-bixiyaha waxaa waajib ku ah in uu shahaado shaqo ku siiyo xittaa toban sano ka dib dhamaanshihi xiriirka shaqada. Inta badan looma baahna in shahaadooyinka shaqada horay loogu sii diro shaqo-bixiyaha, laakiin waxaa wanaagsan in horay loo sii qaato marka wareysiga shaqada la aadayo, si aad u tusto haddii uu shaqo-bixiyuhu u baahdo.

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net